Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkii lagu qaaday Hotel Elite

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimaddaa Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkii qaraxa ku bilowday ee lagu qaaday Hotel Elite ee ku yaalo Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay fulisay weerarkaas isla markaasna ay u suurtagashay inay gudaha u galaan Hotel Elite oo ah Hotel si casri ah loo dhisay.

” Al-Shabaaa ayaa camaliyad inqimaasi ah ku qaaday Hoteel uu leeyahay xildhibaan ka tirsan Dowladda oo ku yaal degmada C/Caziiz ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al-Shabaab waxay sheegtay in marka ay Hotel weerarayeen ay ku sugnaayeen saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda sida ay kooxda sheegatay.

Inta la xaqiijiyey ku dhawaaad 17 qof ayaa ku geeriyoodeen weerarkaas ay Al-Shabaab sheegatay oo lagu qaaday Hotel Elite.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ku dhowaad 30 ruux, walina waxaa gudaha hoteelka ka socda rasaas ay is dhaafsanayaan kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Dadka weerarkaan ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Agaasimihii Xiriirka Goboladda ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi iyo Daahir Cali oo ka tirsanaa howl-wadeennada Wasaaradda Gaashaandhiga XFS

Sidoo kale waxaa dadka ku dhaawacmay kamid ah wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Washiton, Sawirqaade Maxamad Caraaye Foorno oo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ka tirsan iyo Fanaanad Faiza Beela oo ka tirsan Kooxda Heegan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this