Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhoweyd ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho

Qaraxa oo ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay afaafka ee hoteelka Elite oo ku yaalla xeebta Liido, degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay qaraxaasi, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka  ee dowladda Soonaaliya.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana meesha uu qaraxa ka dhacay laga maqlayaa rasaas.

Faah faahinta kala soco:- radioshabelle.com.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this