Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey qaraxii ka dhacay hotel Elite

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ku bilowday qarax gaari laga soo buuxiyey oo galabta ka dhacay afaafka hore ee hotelka Elite oo ku yaalla xeebta Liido, degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan ay gudaha u galeen hotelka, kuwaas oo la dagaalamaya ciidamada amniga, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in xilliga uu dhacayey qaraxa iyo weerarka tooska ah ay dad badan  ku sugnaayeen gudaha hotelka Elite.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, balse weli ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Xaaladda ayaa hadda aad u cakiran, waxaana goobta isku geedaamay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this