Sign in to follow this  
Deeq A.

“FARMAAJO Si Layaab Leh Ayuu Ugu Xadgudbay Dastuurka” Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hadlay Khudbadii shalay Madaxweyne Farmaajo  uu ka hor jeediyay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu ku xadgudbay Dastuurka, gaar ahaan awoodii Golaha Aqalka Sare ee dalka, isla markaana kaalintii ay wakiilka kaga ahaayeen Dowlad Goboleedyada siiyey Golaha Shacabka.

Cabdi Xaashi ayaa kasoo horjeestay Erayo ku jiray Khubadii Madaxweynaha uu jeediyay, kuwaasi oo uu sheegay inuu ku gafay Dastuurka, isagoona tusaale u soo qaatay markii uu yidhi Farmaajio Golaha Shacabka waa aas-aaska dowladnimadda Somalia.

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu dafiray awoodii Golaha Aqalka, kadib markii uu mar kale isla sheegay in Golaha Shacabka uu dib ugu soo celinayo Heshiis kasta oo uu lasoo gaadho Madaxda M/Goboleedyada.

Ugu dambeyn Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ayna jirin cid sharciga ka sarreeysa, isla markaana sharciga uu yahay midka ugu sarreysa, qofka jebiyana uu qabanayo.

Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxaa uu Maanta ka sheegay kulankii ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Senatarada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this