Deeq A. Posted August 16, 2020 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa haatan kulan xasaasi ah la leh madaxda maamullada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, mana jirto cid kulankooda ku wehliso. Madaxda ayaa ka arrinsanaya caqabadaha hortaagan qabsoomida wajiga 3-aad ee shirka Dhuusamareeb oo weli la‘isku diidan yahay. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu gabi ahaanba diiday inuu yimaado shirka Dhuusamareeb, isagoona haatan ku maqan dalka Jabuuti oo uu dhawaan aaday. Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhankiisa sheegay in uusan imaan karin shirka Dhuusamareeb, waxaana ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay sheegeen in sababta ay tahay in Axmed Madoobe uu qaliin ku galay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Dhinaca kale Beesha Caalamka ayaa dadaal aan kala joogsi laheyn ku bixineyso sidii uu u qabsoomi lahaa shirka magaalada Dhuusamareeb 3 oo loo dhan yahay, waxaana haatan Madaxweynaha Puntland loo qabtay in ilaa iyo maalinta Khamiista laga helo jawaabta ugu dambeysa. Ugu damgeyn wararka haatan soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland uu soo diri doono ku xigeenkiisa koowaad Max’uud Sayid Aadan, hase‘ahaatee weli waxaa taagan diidmada beesha Caalamka ee qorsha Madaxweyne Axmed Madoobe. View the full article Share this post Link to post Share on other sites