Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaraf: Shaqada Dowladda Hoose ee Garoowe waxay ku ururtay in ay Tuugada Guryaha u sii furto

Recommended Posts

Deeq A.   
XARAFka.jpg?resize=940%2C948&ssl=1Xildhibaan Xaraf

Xildhibaan Maxamed Axmed Xaraf, oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Puntland ee laga soo doorto Gobolka Nugaal, ayaa si adag uga hadlay Amniga Caasimadda Garoowe oo muddooyinkii u dambeeyay faraha ka baxay.

Qoraal kooban oo Xildhibaanku soo dhigay Bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in Amni-darrada Caasimadda ay mas’uul ka tahay Dowladda Hoose ee Garoowe oo ku fashilantay Shaqadii loo igmaday, haddana caado ka dhigatay in Tuugada Magaalada wareerisay Guryaha laga sii furo.

Mudane Xaraf, wuxuu si adag u cambaareeyay in Dowladda Hoose waxba ka qaban wayday Amn-darrada iyo dhaca lagu hayo Shacabka Garoowe, oo mararka qaarkood harka cad waddooyinka lagu furto

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Shaqada Dowladda Hoose ku soo ururtay in Canshuur keliya la urursado, islamarkaana Gurigii Canshuur laga waayo Albaabka laga siibo, taasi oo sii fududaysay in Tuugadu, si sahlan u baartaan Guryaha qaarkood.

Xildhibaanka ayaa xusay in Dowladda Hoose ay badanaa Guryaha laga maqanyahay Albaabada kala baxdo, xilli ay Magaalada ka jiraan tuugo baahsan oo Guryihii la joogayba maara looga waayay.

PUNTLAND POST

The post Xaraf: Shaqada Dowladda Hoose ee Garoowe waxay ku ururtay in ay Tuugada Guryaha u sii furto appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this