Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Adeeg Casri ah oo laga hir-geliyey dekadda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa xarigga ka jaray Masawac laga hir-geliyay magaalada Muqdisho oo loogu tala galay in maraakiibtu ay si fudud ugu soo hirtaan dekadda Muqdisho.

Musawaca oo iftiinkiisa xilliyada habeenkii ay meel fog ka arki karaan howl-wadeennada maraakiibta ayaa sahlaya inay gartaan masaafada dekaddu u jirto iyo inay si fudud ugu soo hirtaan.

Sii hayaha xilka Wasiirka Koowaad ee dalka ayaa caddeeyay in dib u furitaanka Musawaca oo 100 sano jirsaday ay qayb ka tahay horumarinta dekadaha gaar ahaan dekadda Muqdisho oo kamid ah ilaha dhaqaale ee dalka.

Xukuumadda ayaa dadaal xooggan gelisay dib-u-dhiska dalka, waxaana horay sidaan oo kale dib loogu soo celiyay edeegyo muhiim u ahaa dowladnimada iyo dib-u-kabashada dalka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

117673328_2562787994032697_6959319093704919136_n 117710164_611218096493673_4898239342889751973_n 117717507_806403056767033_1466061354152049438_n 117734522_313543993330204_4710537057309345660_n vlcsnap-2020-08-16-07h19m27s167-696x392

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this