Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha JF oo khudbad u jeediyey Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta khudbad ka horjeediyay barlamaanka Soomaaliya,isagoo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee iminka dalka uu marayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankaasi gaarka ahaa ee uu yeeshey Golaha Shacabka kaga hadlay arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo dadaalada ay wado dwoladda Soomaaliya,gaar ahaan shirkii Dhuusamareeb dardargelintiisa.

“Maanta oo ah 15 August 2020 waxaa lagu balansanyahay la isugu tago magaalada Dhuusamareeb,waxaana halkasi ka qabsoomi doona shirkii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada,waxaan idin cadeynayaa in Golaha Shacabka uu wakiil u yahay shacabka Soomaaliyeed iyo dowlad goboleedyada,go’aan aad gaartaan waa in dalka oo dhan laga aqbalo,waxaana idin balan qaadayaa in wixii ka soo baxa shirka Dhuusamareeb aan halkna idinku keeno”. ayuu yiri madaxweynaha JFS.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this