Deeq A. Posted August 15, 2020 Garoowe (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka istbitaal ku yaalla magaalada Garoowe ku geeriyooday wasiiru-dowlihii madaxtooyada dowlad Goboleedka Puntland Marxuum Maxamed Xasan Ciise. Wasiirka oo xanuunsanaa saddex maalin ee la soo dhaafay ayaa ku geeriyooday isbitaalka Garoowe. Wararka ayaa sheegaya inuu u dhintay cudurka Covid-19, waxaana lagu soo warramayaa inuu naqaska ku xirmay. Sidoo kale waxaa geerida ku timid wasiiru-dowlihii madaxtooyada Puntland xaqiijiyey qaar ka mid ah wasiirada maamulkaasi oo tacsi u diray ehelladiisa. War ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland, gaar ahaan madaxweyne maamulkaasi, Axmed Cilmi Karaash ayaa sidoo kale tacsi loogu diray ehellada marxuumka iyo guud ahaa Ummadda Soomaaliyeed. Karaash ayaa marxuumka Alle uga baryey inuu ka waraabiyo naxariistiisa Janno. Si kastaba ha’ahaatee bishii May ee sanadkan ayey aheyd markii wasiirkii beeraha Puntland, Marxuum Ismaaciil Gama’diid uu u geeriyooday Coronavirus. Share this post Link to post Share on other sites