Deeq A. Posted August 15, 2020 Guddiga joogtada ah ee golaha aqlka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulan maanta ku leh magaalada Muqdisho, Ajanadaha kulanka waxaa lagu sheegay sedex qodob, kuwaas oo kala ah. 1 –Warbixin kooban (Documentary) oo la xiriirta wax-qabadka Aqalka Sare, intii u dhaxeysay sanadihii 2017-2020-ka. 2 –Hadal-jeedinta guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi. 3 – Iyo Muddeynta dhageysiga warbixinta doorashada dalka ee 2020/2021-ka, oo goluhu uu ka dhageysan doono guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites