Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Dhuusamareeb ku wajahan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Maanta oo Sabtiya ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaas oo  lagu wado in uu ka furmo Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sida qorshaysan ka hor inta uusan Dhuusamareeb u duulin, waxa uu warbixin ka hor jeedin doona Golaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, isagoo ka warbixin doona Xaaladda Siyaasadeed iyo tan Amni ee Dalku haatan marayo.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed, oo xaqiijiyay Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb, ayaa sheegay in Madaxweynuhu halkaasi u tegayo sidii hore loogu dhaqaajin lahaa Wada-hadalladii u socday Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, horena loogu sii dhaqaajin lahaa wada hadalladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa berri magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga” ayuu yiri Cabdinuur.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo Dhuusamareeb ku wajahan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this