Deeq A. Posted August 15, 2020 Dib u dhac ayaa ku yimid wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb, kaas oo la filayey inuu maanta furmo. Sababta ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay tahay arrimo farsamo, mana jiro illaa iyo hadda hal Madaxweyne goboleed oo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, balse waxaa lagu wadaa inay tegaan saacadaha soo socda. Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gelinta dambe ee maanta ku wajahan halkaasi, sida ay xaqiijisay Villa Somalia. Ammaanka ayaa sidoo kale loo adkeeyey, iyadoona ciidamo badan lagu arkayo waddooyinka waa weyn ee magaaladaasi. Shirka Dhuusamareeb-3 oo diirada lagu saarayo xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka 2020/2021-ka ayaa ku aaday, xilli la riday ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre. View the full article Share this post Link to post Share on other sites