Deeq A. Posted August 15, 2020 Donald Trump walaalkii oo Cisbitaal loola cararay Sida ay qorayaan warbaahinta CNN iyo ABC, waxaa aad u xanuunsanaya oo isbitaal la dhigay wiil la dhashay madaxweyne Donald Trumo kaas oo lagu magacaabo Robert Trump islamarkaana da`ahaan ka yar madaxweynaha. Xaaladdiisa caafimaad ayaan wax sidaas ah laga ogeyn balse waxaa lagu sheegay mid daran. Aqalka Cad ayaa ka hadlay xaaladda caafimaad ee Robert Trump, waxaana ay xaqiijiyeen in isbitaal la dhigay. Madaxweyne Trump ayaa la sheegay in uu saacadaha soo socda warbaahinta uga warbixin doono xaaladda caafimaad ee walaalkiis iyo sida loo hayo. Waxaa isdoo kale lagu wadaa in uu booqdo madaxweynaha isbitaalka uu ku jiro walaalkiis. Madaxweyne Trump iyo walaalkii ayaa la sheegay in ay leeyihiin xiriir wanaagsan. Waa markii labaad oo isbitaal loola cararo Robert Trump, waxaana bishii July uu muddo isbuuc ah ku jiray isbitaal. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites