Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku wajahan Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta u ambabaxaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaasi oo uu ka furmayo shirka Dhuusamareeb 3 ee DF iyo maamul goboleedyada.

Qoraal uu barta facebook uu soo dhigay agaasimaha xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Abdinur Maxamed ayuu ku sheegay in madaxweynha uu maanta u ambabixi doono Dhuusamareeb si uu ugu qeybgao shirka halkaasi ka furmi doono oo looga hadli doono mustaqbalka dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

“Iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, horena loogu sii dhaqaajin lahaa wada hadalladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga” ayuu ku yiri agaasime Abdinur qoroolkiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kahor inta uusan u ambabixin Dhuusamareeb wuxuu khudbad u jeedin doonaa mudanayaasha baarlamaanka, iyadoo aan la ogeyn ajandaha khudbadiisa waxa ay ku saleysan tahay.

Madaxweyne Farmaajo oo laga sugayay inuu si dhaqso ah usoo magacaabo ra’iisul wasaare ayaa waxaa uu la kulmayaa culeysyo ka imaanaya beesha caalamka iyo kooxaha mucaaradka oo si wada jir ah ugu niyad jabsan qabsoomida shirka Dhuusamareeb inuu baaqdo iyo dib u dhac ku yimaada doorasho ku dhacda waqtigii loogu talagalay.

Qoraal shalay kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu dalbaday in la qabto shirkii Dhuusamareeb kana qeyb galaan dhammaan guddiyadii farsamada, waxaana farriin adag loogu diray Golaha Shacabka oo loogu caddeeyay inuusan awood u lahayn muddo kororsi cid kasta oo tallaabadaasi qaadana ay sharci daro ku dhaqaaqeyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this