Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha JF oo beri khudbad u jeedin doono Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah uu Xildhibaannada Golaha Shacabka u jeediyo warbixin ku saabsan xaaladda guud ee dalka.

Kulanka Xildhibaannada oo lagu qaban doono xarunta KMG ah ee Villa Hargeysa ayaa la filayaa in ajandaha kulanka uu noqdo dhageysiga warbixin Madaxweynaha JFS u jeedinayo Xubnaha Golaha Shacabka.

Hadal jeedinta Madaxaweyne Farmaajo ee beri ayaa ku soo aadeysa, xilli dalka uu ku jiro marxalad adag oo kala guur ah, sidoo kalena lagu ballansan yahay wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this