Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo u tacsiyeeyay Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

.Madaxweynaha Dowladda  Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa uga tacsiyeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan geerida ku timid -Alle ha u naxariistee- Adeerkii Shiikh Cusmaan Shiikh Cabdiraxmaan oo ku dhintay magaalada Muqdisho.

Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan idinla qeybsanayaa murugada geerida Adeer Sheekh Cusmaan Sheekh Cabdirixmaan oo Muqdisho ku geeriyooday.”

Madaxweynaha ayaa Alle u weydiiyey Marxuumka in uu hooygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, Samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan ehelada, qoyska iyo qarabaada uu ka tagay.

Waxaan dhammaan ehelada iyo qoyska uu ka tagay Alle uga baryayaa in uu Samir iyo iimaan idin ka siiyo, gaar ahaan Guddoomiye Maxamed Mursal. Marxuumka Alle ha u danbi dhaafo, hooygiisana haka yeelo Jannatul Firdows.”

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo u tacsiyeeyay Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this