Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyeyaal ka tirsan xarakada Al-Shabaab oo ‘u geeriyoday’ Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa u geeriyooday cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, oo muddooyinkii dambe si weyn ugu faafay dunida, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Mareykanka.

Taliska ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika ee AFRICOM ayaa arrintan ku shaaciyey warbixin uu dhawaan soo saaray, oo uu uga hadlayey howl-galada la dagaalanka iyo hoos u dhigida awooda argagixisa ee qaarada Africa.

Warbixintaasi oo uu u gudbiyay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu sheegay in hogaamiyeyaal ka tirsan kooxdaasi ay u geeriyoodeen cudurkaasi, inkasta oo si cad loogu sheegin tirada saraakiisha uu cudurkaasi ka dilay Al-Shabaab iyo magacyadooda intaba.

Dagvin Anderson, Taliyaha howl-galada gaar ah ee AFRICOM oo warbixintaasi gudbiyay, ayaa sidoo kale xusay in cudurkaasi uu soo ritay saraakiil kale oo ka tirsan kooxdaasi, wuxuuna taasi ku macneeyey inay meesha ka saareyso sheegashada ‘in cudurkaasi uu gaalada gaar ku yahay’, sida uu hadalka u dhigay.

“Cudurka ma soo ridan saraakiishooda (Al-Shabaab) oo keliya, balse qaarkood ayaa u geeriyoodayba cudurkaasi,” ayuu yiri Dagvin Anderson.

Al-Shabaab ayaa hore guddi u saartay cudurkaasi oo dunida ku faafay.

Mana jiro wax war ah oo arrintaasi ku saabsan oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, mana jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta sheegashada Taliska AFRICOM.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this