Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyay Weeraro isxigxigay oo xalay lagu qaaday Xarumo Dawlada Somalia leedahay oo ku yaalla Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararkii Ugu Dambeeyay Weeraro isxigxigay oo xalay lagu qaaday Xarumo Dawlada Somalia leedahay oo ku yaalla Muqdisho

 qarax-300x225.jpeg

Waxaa caawa qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ka dhacay weeraro bambaano oo lagu qaaday qaar kamid ah xarumaha Degmooyinka gobolka Banaadir iyo xarumo kale oo ciidanka dowlada ku sugan yihiin.

Weeraradan bambaano ayaana ka dhacay magaalada Muqdisho caawa daqiiqado isku dhaw dhaw, dadka ag degan goobaha lagu tuuray bambaanooyinkan ayaana aad uga argagaxay, waxaayna ciidamada dowlada fureen rasaas jawaab celin ah.

Goobaha caawa bambaanooyinka lagu tuuray ayaa waxaa kamid ah xarumaha degmooyinka Waabari, Shibis, Kaaraan, Dharkeenley ,Wadajir iyo xarumo waaxeedyo kale oo kuyaala qeybo kamid ah magaalada Muqdisho .

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Saalax Dheere oo Warbaahinta Muqdisho caawa  la hadlay ayaa sheegay in dhawr goobood oo ay ku jiraan xarumo degmooyin lagu weeraray qaraxyo  bambaano .

Waxa uu sheegay Afhayeenka in qaraxyadan ku dhaawacmeen afar qof oo sadex kamid ah yihiin shacab halka qofka kalana uu yahay askari ka tirsan ciidanka dowlada, waxa uuna xusay in ciidamada qabteen labo qof oo la tuhmayo in weerarada qeyb ka ahaayeen.

Magaalada Muqdisho amaankeeda ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay ahaa mid sii hagaagayey hase yeeshee waxay shacabka ku dhaqan caasimada ka cabsi qabaa in isbadalka ku yimid dowlada in ay abuuraan falal xasilooni daro ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this