Deeq A. Posted August 13, 2020 Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ka hadashay shirka lagu ballansan yahay Dhuusamareeb 3 iyo doorashooyinka Somaaliya ee 2020/2021. Qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay daneynayaan natiijada ka soo baxda shirka Dhuusamareeb 3, dwladda federaalka, dowlad goboleedyada, baarlamaanka iyo daneeyaasha kalena looga baahan yahay isu tanaasul dhab ah oo furo u noqda is afgarad laga gaaro nooca doorasho. @US2Somalia is eagerly waiting for #Dhusamareb 3 Mtg results. The need for wide spread consultations & genuine compromise is key. The election model needs broad based support from FGS, FMS, Parliament, & other stakeholders. Timely elections, no mandate extensions. #Somalia— U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) August 13, 2020 Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in doorashadu xiligeeda ku dhacdo, wuxuuna Mareykanku ka digay muddo kordhin. Iyadoo ballantii shirka Dhuusamareeb 3 ay ka harsan tahay hal maalin oo kaliya, ayaa waxaa dib u dhacay. Guddiga farsamada shirka Dhuusamareeb 3 ayaa intooda badan ku sugan magaalada Muqdisho, waxayna halkaas kulamo kula qaateen qaar kamid ah madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Xubnihii Puntland ku la hayd Guddiga farsamda ayaa ka qeybgalin shirarka Muqdisho, waxayna weli ku sugan yihiin Puntland. Shirka Dhuusamareeb 3 wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo la riday Ra’iisul Wasaare Kheyre oo qeyb ka ahaa Dhuusamareeb 2, welina aan la magacaabin Ra’iisul Wasaare cusub. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo isha ku haya shirka Dhuusamareeb 3 appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites