Deeq A. Posted August 13, 2020 Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta Puntland ciidamo dheeraad ah ay dhigtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay xoojin doonaan amniga, iyaga oo durbo howl-gallo baaritaano ah ka bilaabay halkaasi. U jeedka ayaa waxaa lagu sheegay sidii ay uga hortagi lahaayeen kooxaha maleeshiyaadka ee weli ku sugan waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Dhowaan ayey aheyd markii taliyihii madaxtooyada Puntland lagu dilay magaaladaasi, kadib iska hor imaad dhex-maray ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad hubeysan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites