Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Amniga BF oo kulan la qaatay Taliyaha ciidanka Booliska

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga arrimaha gudaha, amniga iyo maamullada gobollada ee Golaha Shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah xarunta Villa Hargeysa kula kulmay wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Xildhibaan C/naasir Saciid Muuse iyo Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Xijaar.

U jeedka kulanka ayaa ahaa is xog wareysi ku saabsan xaalada guud ee amni ee dalka, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.,

Sidoo kale wasaarada amniga iyo taliska Booliiska ayaa guddiga waxa la wadaageen warbixin ku saabsan amniga Qaranka iyo horumarada laga gaaray.

Kulankan ayaa ku soo aadaya, iyadoo todobaadkan weerar khasaare geystay uu ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, kaas oo ay fuliyeen maxaabiis ku jirtay xabsigaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this