Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo markale ciidamo badan geysay gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ay ciidamo badan geysay gobolkaasi.

Ciidamadan oo diyaarad looga qaaday magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dajiyey degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Sidoo kale askartan ayaa ku biireysa ciidamo isugu jira boolis iyo militeri oo horay u joogay magaaladaasi, degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Gedo.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in dhaq-dhaqaaqyo xoogan haatan laga dareemayo Doolow iyo deegaanada hoos yimaada, kuwaas oo ay wadaann ciidamadaan ciidanka Gorgor, kuwa Haramcad iyo milatariga Soomaaliya ee ku sugan halkaasi.

Dhinaca kale taliyaha xasilinta gobolka Gedo, Bakaal Kooke oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka dhaq-dhaqaaqyadaasi uu yahay, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanadaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanadooda.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada horey beesha caalamka ay uga digtay ciidamada ay dowladda ku daad-gurineyso gobolka Gedo oo ay horey ugula dagaalameen ciidamada Jubbaland, walow ay dhowaan Dhuusamareeb heshiis ku gaareen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Axmed Madoobe.

Si kastaba ha’ahaatee dhaq-dhaqaaqyada dowladda ee Gedo ayaa waxaa ka dhashay xiisado hor leh iyo dagaal dhex-maray ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this