Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladda deegaanadii lagu diriray ee bariga Mudug oo degan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka xaalad deganaasho ah laga dareemayo deegaano dhaca bariga gobolka Mudug oo shalay ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo dad shacab ah.

Ilo deegaanka ayaa sheegay in jawiga saaka uu yahay mid aad u degan, balse waxaa weli halkaasi dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wada ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo maleeshiyaad deegaanka ah, si Al-Shabaab looga saaro deegaanadaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo ka hadlay dhaq-dhaqaaqyadaasi ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii loo xoreyn bariga gobolka Mudug, sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoona looga adkaaday Al-Shabaab, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this