Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Waare oo xilka qaadis iyo magacaabid sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Maamulkiisa, Cali Xaaji Cabdulle Isgoowe.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare, oo xilka looga qaaday Mr Isgoowe, ayaa wasiirka Cusub ee Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle loogu magacaabay Cabdulqaadir Abuukar Muxumed.

Madaxweyne Waare, wuxuu sheegay in isbeddelkaasi uu sameeyay, kadib markii uu arkay baahida loo qabo dardar gelinta hawlaha adag ee horyaalla Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle.

Todobaad ka hor, Mr Waare ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Tabarta iyo Biyaha Hirshabeelle Saalax Maxamed Xassan, isagoo Wasaaraddaas  u magacaabay Xil. Shucayb Cabdikariin.

waar.jpg?resize=720%2C842&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Waare oo xilka qaadis iyo magacaabid sameeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this