Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo caawa ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir waxaa goor dhaw ka dhacay qarax sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, gaar ahaan wadada 21-ka October.

Qaraxa oo loo adeegsaday miino nuuca dhulka lagu aaso ah ayaa lala beegsaday gaari Saruf ah oo marayey inta u dhaxeysa xerada ciidanka cirka iyo Schoolka 21-ka October ee degmada Waaberi.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa geeriyooday mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Weli lama ogaan cida wadatay gaariga uu qaraxu haleelay, waxaana goobtaas gaaray ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, waxayna xireen isu-socodkii goobta.

Magaalada Muqdisho waxaa ku soo batay qaraxyada loo adeegsado miinooyinka la dhigo wadada dhinaceeda, kuwaas oo inta badan lalgu bartilmaameedsado gaadiidka dowladda, waxaana xusid mudan in waxyeelo ay ka soo gaarto dad rayid ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this