Sign in to follow this  
Deeq A.

Liiska Goobaha ay Dunida uga keydsan tahay kimikadii (ammonium nitrate” ku qaraxday Beyrut

Recommended Posts

Deeq A.   

Goobaha ay Dunida uga keydsan tahay kimikadii (ammonium nitrate” ku qaraxday Beyrut

Warshad soo saarta Ammonium nitrate oo ku taalla Faransiiska
Warshad soo saarta Ammonium nitrate oo ku taalla Faransiiska

Kaddib maaddadii ammonium nitrate ee ku qaraxday Beyrut oo ay ku dhinteen in ka badan 200 qof ayaa waxaa haatan isa soo tarayaa walaaca ku saabsan halka lagu keydiyo kimikadaas.

Kimikadan waa mid si weyn looga adeegsado dunida gaar ahaan bacriminta ama waxyaabaha qarxa ee lagu soo saaro macddanta.

Balse waxaa jiraa shuruucyo adag oo ku saabsan halka iyo waqtiga goob lagu keydinayo.

Inta badan waxaa lagu keydiyaa goobo qarsoodi ah maadama ay jirto suurtagalnimada ah in laga sameyn karo qaraxyada.

Hindiya

Ku dhawaad 740 tan oo maaddada ammonium nitrate ayaa lagu keydiyay goob deegaan ah oo qiyaastii 20 kiiloomiitar u jirta magaalada Chennai oo ah mid kamid ah magaalooyinka ugu weyn Hindiya, muddo 5 sanno ah ayay halkaas ku keydsan tahay.

Mas’uuliyiinta gobolka koonfurta ee Tamil Nadu ayaa dacwad ka gudbiyay shirkaddii maaddada ammonium nitrate ka kentay Kuuriyada Koonfureed sannadkii 2015-kii, taas oo ku anddacootay in loogu talagalay maaddadaas bacriminta.

Qaraxii Beyrut
Qaraxii Beyrut

Yemen

Xeer ilaaliyaha guud ee Yemen ayaa amar ku bixiyay in la baaro warar ay warbaahinta sheegayeen oo ahaa in 100 konteenar oo ammonium nitrate ah lagu keydiyay dekedda magaalada koonfurta ku taalla ee Cadan.

Waxay sheegeen in kimikada lasoo geliyay dalka saddex sano ka hor isla markaana ay gacanta ku dhigeen ciidamada Sucuudiga ee taageerayo dowladda Yemen.

Ciraaq

Dowladda Ciraaq waxay amar ku bixisay in dib u eegis deg deg ah lagu sameeyo walxo halis ah oo lagu keydiyay dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee dalkaas, waxay ogaadeen in ammonium nitrate lagu keydiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Baqdaad.

Shixnad ammonium nitrate ah oo lagu qabtay Indonesia sanadkii 2016-kii
Shixnad ammonium nitrate ah oo lagu qabtay Indonesia sanadkii 2016-kii

Australia

Ka hor inta uusan qaraxa ka dhicin magaalada Beyrut, shacabka ku dhaqan magaalada Newcastle ee gobolka New South Wales ee dalka Australia waxay codsanayeen in kimikada ammonium nitrate oo lagu keydiyay meel 3 kiiloomitar u jirta magaalada laga raro halkaas.

Dekedaha UK

Waxaa bilowday baaritaan ku saabsan maaddada ammonium nitrate oo si weyn loogu keydiyay dekedaha ku yaalla Lincolnshire iyo Immingham iyo sidoo kale goobo kale oo ku yaalla gobolka Humber.

Waaxda ABP oo maamusha goobahan ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta dekedaha UK ay tahay inay raacaan shuruucda adag isla markaana ay xaqiijiyaan in kimikada meel wanaagsan lagu keydiyo iyadoo la ilaalinayo ammaanka.

Dekedda Immingham ee UK
Dekedda Immingham ee UK

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this