Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo KA dhacay deegaanka Mekarebay oo hoostaga degmada Garbahaarey.

Ku dhowaad 3 qof ayaa ku geeriyootay qaraxaas,halka ay ku dhaawameen 2 kale, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa jugtiisa laga maqlay meelo badan oo ka mid ah gobolka Gedo,balse lama oga halka uu ahaa bartilmaameedka, iyadoona gaariga uu qarxay xilli uu taagnaa deegaanka Mekarebay ee duleedka Garbahaarey.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka oo ku aadan qaraxaasi.

Gedo ayaa waxaa si wadajir ah uga howl-gala ciidamada dowladda, kuwa Jubbaland iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this