Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday degaanka Shabeellow oo ka tirsan gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa dagaal xooggan subaxnimadii hore ee saaka dhexmaray malayshiyaadka Al-shabaab iyo dadka degaanka Shabeellow oo hoostaga degmada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

Wararka halkaasi laga helayo waxay sheegayaan in malayshiyaadka Al-shabaab ay waaberkii hore ee saaka weerar ku qaadeen degaanka Shabeellow kadibna dagaal culus dhexmaray iyaga iyo dadka degaankaas.

Guddoomiyaha Maamulka Galmudug u qaabilsan degmada Bacaadweyn Axmed Daahir Macallin oo ka warbixiyay dagaalka ayaa laga soo xigtay in AL-shabaab ay af-duubteen qaar kamid ah dadka degaanka Shabeellow oo uu ku jiro wadaad caan ka ahaa degaankaas.

Dagaalka waxaa la soo werinayaa in uu ka dhashay khasaare kala duwan oo aan weli  si rasmiya loo xaqiijin waxaase jira warar hordhac ah oo tibaaxaya in Al-shabaab laga dilay ilaa 4 xubnood.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday degaanka Shabeellow oo ka tirsan gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this