Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar Oo Mar Kale Guulleysatay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Minnesota)-IlhanCumar, oo kasoo jeedda jaaliyadda Soomaalida ee dalka Mareykanka ayaa ku guulleysatay doorasho ay xisbigeeda dhexdiisa ka gashay, taasoo loogu tartamayay kursiga xildhibaannimada Aqalka Wakiillada ee degmo ka mid ah gobolka Minnesota.

Waxay loollan adag kula jirtay siyaasiga lagu magacaabo Antone Melton-Meaux iyo saddex musharrax oo kale, kuwaasoo dhammaantood u hanqal taagayay inay iyada meesha ka saaraan.

Taageerayaasha xisbiga ayaa mar kale Ilhaan u xushay inay sii difaacato kursigeeda degmada 5-aad ee Minnesota, marka la gaadho doorashada Mareykanka ka dhaceysa bisha November.

Ilhaan ayaa guusheeda kaddib waxa ay boggeeda Twitterka kusoo qortay:

“Gudaha Minnesota, mar kasta waxaan ognahay in dadka is abaabulay ay ka adkaanayaan lacagta la abaabulay. Caawana, dhaqdhaqaaqeennu guul kaliya ma uusan soo hoyinin. Waxaan kasbannay maamul isbaddal keenaya. Iyadoo ay jireen dadaallo ay dad gobolka ka baxsan ugu jireen inay guul darro nagu dhacdo, mar kale ayaan taariikh dhignay. Iyadoo ay jireen weerarro nagu socday, taageeradeennu wey sii korodhay”.

Afartii sanno ee lasoo dhaafay waxay Ilhaan si weyn uga dhex muuqatay siyaasadda Mareykanka, iyadoo codkeeda ku muujineysay sida ay uga soo horjeeddo siyaasadaha maamulka madaxweyne Donald Trump.

Waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah ee heerkaas gaadha, sidoo kalena waxay ka mid tahay haweenka muslimiinta ah ee markii ugu horreysay ku biiray Congress-ka Marerykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this