Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso Magacyada: Guddi ka kooban 5 xubnood oo loo saaray dhacdadii Xabsiga Dhexe iyo 5 qodob oo la faray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magacaabay guddi baaris ku sameeya dhacdadii shalay ka dhacday xabsiga dhexe.

Xubnaha la magacaabay oo ka kooban lix qofood waxaa kasoo dhex muuqday taliyaha ciidanka asluubta S/Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Liiska Guddiga la magacaabay:

1- Mudane Xasan Xuseen Xaaji​ Wasiirka Cadaaladda​ Guddoomiye
2- Dr. Sulaymaan Max’ed Max’ud​ Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka​ Xubin
3- S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed​Taliyaha Ciidanka Booliska​ Xubin
4- S/Guuto Mahad C/raxmaan Aadan​Taliyaha Ciidanka Asluubta​ Xubin
5- S/Guuto C/llaahi Buulle Kameey​Xeer-ilaaliyaha Guud ee
Maxkamadda Ciidamada​ Xubin
6- G/Sare Guuleed Sh. Xuseen Aadan​ Taliyaha Hoggaanka Baarista
Dambiyada (C.I.D.)​ Xubin

Sidoo kale waxaa lasoo saaray dhawr qodob oo ah waajibaadka saaran guddiga la magacaabay, waxaana ka mid ah in la faray iney si deg-deg ah uga hawlgalaan baarista ku saabsan dhacdada.

1- Waxa xubnaha Guddiga sare ku xusan la farayaa in ay deg deg u hawl-galaan, una guda-galaan barista dhacdadaas, kana keenaan gub-gaar dhammays-tiran sida ugu dhaqsaha badan.

2- Guddiga waxa la farayaa iyaga oo gudanaya waajibaadkooda in ay si joogta ula socod-siiyaan Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha barista ay wadaan.

3- In hawshan Baarista lagu soo gaba-gabeeyo muddo Toban (10) casho gudahood ah oo ka bilaabanaysa taariikhda warqaddan.

4- Guddigan hawshiisu waxa ay ku ekaan doontaa marka baaristu soo gaba-gabowdo.

5- Guddigan waxa uu magacaaban karaa Guddi-hoosaad Farsamo oo u fududeeya waajibaadka loo igmaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this