Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoonka BF iyo Guddiyada joogtada oo yeeshay kulan xasaasi ah + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiyada Joogtada ee Golahaasi ayaa kulan mid xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyey Maxamed Mursan Sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan ajandayaasha muhiimka ah ee horyaalla xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiyada Joogtada ayaa si gaar ah diirada u saaray sidii maalmaha soo socda loosoo gaba-gabeyn lahaa shuruucda hortaalla Aqalka Hoose.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday diyaarinta nidaamka geedi socodka, dardar gelinta Dastuurka KMG ah ee dalka iyo jiheynta  dalka oo ku jiro marxalad kala guur ah.

Xoghayaha Golaha Shacabka Cabdikariim Xaaji Buux oo u warramay warbaahinta ayaa ka warbixiyey kulankaasi, wuxuuna sheegay in la’isku afgarto in la dadajiyo dhameystirka shuruucda hortaalla Aqalka Hoose.

“Guddoonka iyo Guddiyada Golaha Shacabka waxa ay isla garteen in la dadajiyo dhameystirka shuruucda hortaalla Aqalka hoose, sida loo kala hormarin lahaa, maalmaha loo kala xulayo, diyaarinta ajendayaasha iyo dhammaan waxyaabaha ku xeeran qodobada horyaalla guud ahaan gaar ahaan kordhinta howsha Baarlamaanka si aan hakad ugu imaan shaqada.” ayuu yiri Xoghayaha Golaha Shacabka C/karooim Buux.,

Golaha Shacabka oo ku gudaha kaldhigisii 7-aad oo ah midkiisii ugu dambeeyey ayaa waxaa horyaallo ajandayaal muhiim ah oo ay ugu horreyso doorashada 20/21.

Guddiyada-joogyada-Golaha-Shacabka-696x4 117122270_898875030601562_46469922798651 117283044_898877237268008_27687990707287 117335218_898881483934250_51651276897070 117434065_898874333934965_68977758442400 117535569_898874173934981_87257034318062

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this