Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump Oo Lala Cararay Kaddib Markii Qof Lagu Toogtay Meel U Dhow Aqalka Cad

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxwenaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in qof lagu toogtay goob u dhow Aqallka Mareykanka, kaddib markii uu ka baxay shir jaraa’id.

Mr Trump ayaa weriyeyaasha u sheegay “iney u muuqato in haatan xaaladda la xakameeyay”.

Trump ayaa shirka jaraa’id lagala cararay markii ay arrinta dhacday balse wax yar kaddib ayaa dib u soo muuqday kaddib markii mid ka mid ah ilaaladiisa uu goobta shirka jaraa’id ku soo hoggamiyay.

Waxaa la maqlayay Trump oo odhanaya “Oh!” “Maxaa dhacaya” markii uu ka sii dhaadhacay qolka shirka jaraa’id.

Madaxweynaha oo ku guda jira shirka jaraa’id ayaa waxaa ka soo dhex-galay mid ka mid ilaaladiisa, waxa uunu dhagta ugu sheegay dhacdada.

Markii uu dib u soo laabtay sagaal daqiiqo kaddib, madaxaweynaha ayaa weriyeyaasha u sheegay inuu aaminsan yahay in ilaalada qarsoon ay toogteen qof hubeysnaa oo laga shakiyay. Waxa uu sheegay in qof cisbitaalka la geeyay dhacdada kaddib.

Mr Trump ayaa garwaaqsaday inay ahayd xaalad aan caadi ahayn, balse waxa uu ammaan kala dul-dhacay ciidammada ilaalada ee qarsoon.

Dhanka kale ciidammada qarsoon ayaa sheegay inay xaqiijiyeen in mid ciidamadooda ka tirsan uu qof ku toogtay waddada 17-naad iyo aagga Pennsylvania.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this