Sign in to follow this  
Deeq A.

Fanaan aflagaadeeyay Nebi Muxamed NNKH oo xukun dil Deldelaad ah lagu riday

Recommended Posts

Deeq A.   

Fanaan aflagaadeeyay Nebi Muxamed NNKH oo xukun dil Deldelaad ah lagu riday

.

Maxkamad islaami ah oo ku taalla waqooyiga Nigeria ayaa nin fanaan ah ku xukuntay dal dalaad kaddib markii lagu helay dambi ah in uu aflagaadeeyay nebi Maxamed NNKH.

Maxkamadda sare ee shareecada islaamka ee ku taalla Kano ayaa go’aamisay in Yaxya Maxamed Shariif Aminu uu diinta aflagaadeeyay xilli uu qaaday hees si weyn loogu baahiyay barta WhatsApp bishii Maarso.

Fanaankan oo 22 jir ah ayaa haatan xiran, wuxuu xukunka ka qaadan karaa racfaan.

Waxaana la sheegay in fanaanka uu dhuumaaleysi ku jiray tan iyo markii uu qaaday heestaas.

Dad careysan oo dibadbaxyo dhigayay ayaa gubay gurigiisa isla markaana is hor dhoobay afaafka hore ee saldhigga xarunta booliska islaamiga ee loo yaqaano, waxay codsanayeen in tallaabo laga qaado fanaanka.

Dadka dhaleeceeyay heestiisa ayaa sheegay in ay tahay mid aflagaadeyneyso diinta islaamka oo xitaa uu nin imaam ah ka sare mariyay Rasuulka.

Dad careysan oo dibadbaxyo dhigayay ayaa codsaday in lasoo xiro fanaanka
Dad careysan oo dibadbaxyo dhigayay ayaa codsaday in lasoo xiro fanaanka

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this