Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: DF Soomaaliya oo shaacisay in la fududeeyey weerarkii Xabsiga Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Somalia ayaa si rasmi ah u shaacisay inay jiraan shakiyo iyo suuragalnimada in la fududeeyay weerarkii xabsiga dhexe ee Xamar oo isniintii geysteen maxaabiistii ku jirtay xabsiga, kuwaasoo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Sii-hayaha wasiirka wasaaradda caddaalada Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka waramay dhacdadaasi isagoo shaki geliyay qaabkii weerarkii u dhacay isla markaana carabka ku adkeeyay inay jiraan dad fududeeyay in maxaabiista gacantooda hub galo, ayna bilaabi doonaan baaritaan si sharciga loo horkeeno cidii fududeysay arrintaasi.

Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan khasaare arrintaasi ka dhashay, hase ahaatee uu ka gaabsaday inuu faah faahiyo.

Wuxuu ballan qaaday in baaritaan dhab ah ay sameyn doonaan ciddii lagu helana la korkeeni doono caddaalada.

Hadalka wasiirka caddaalada Xasan Xuseen ayaa beeninaya warkii uu jeediyay taliyaha xabsiga dhexe, kaasoo uu ku sheegay war u muuqday mid uu daboolayay oo xaqiiqda ka fog.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this