Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Weerarkii Xabsiga dhexe ee Xamar

Recommended Posts

Deeq A.   

Sii haya Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in ay baaritaan dheeraad ah ku sameyn doonaan sababtii ka dambeysay weerarkii shalay ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ciidamada ay nolosha ku qabteen lix ka mid ah kuwii Shalay falalka amni darro ka geystay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar kuwaasi oo sida uu sheegay baaritaan lagu samayn doono

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in Bulshada Soomaaliyeed ay la wadaagi doonaan baaritaannada socda wixii ka soo baxa waxaana uu ciidanka kula dar daarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Weerarkii Xabsiga dhexe ee Xamar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this