Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo ‘damacsam arrin culus’ ka hor magacaabida R’iisul wasaaraha cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu qoran Wargeyska caanka ah ee Al-Ain Al-Khabariya madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa wada qorshihii u dambeeyey ee muddo kororsiga.

Wargeyska ayaa ku warramayaa in qorshahaasi la rabo in la fuliyo ka hor magacaabida ra’iisul wasaaraha cusub ee la filayo in lagu dhawaaqo.

Warbixinta Wargeyska ayaa waxaa lagu sheegay in qorshahaasi ay gadaal ka riixeyso dowladda Qatar, waxaana ciwaan looga dhigay `isaga oo adeegsanaya muddo kororsi Farmaajo oo ku gubayo Soomaaliya maal-gelinta Qatar’.

Sidoo kale Wargeyska Al-Ain Al-Khabariya ayaa shaaciyey xubnaha madaxda ah ee arrintaasi ku gacan siinaya madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kala yihiin, sida warbixinta lagu sheegay:-

1-Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ku simaha xil-ka ra’iisul wasaaraha, 2-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha Golaha Shacabka, ku xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah sii haya wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Al-Ain Al-Khabariya ayaa intaasi ku daray in damaca uu yahay in muddo kordhintu ay noqoto ugu yaraan 2 sano, si dib loogu dhigo doorashada.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyada oo horey hoggaanka xisbiyada mucaaradka dalka ay uga digeen in la sameysto muddo kororsi, si mar-marsiiyo looga dhigto daruufaha ka jira dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this