Sign in to follow this  
Deeq A.

Budhcad Hubaysan Oo Dhac U Geystay Mid Kamid Ah Xawaaladdaha Ku Yaalla Magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Maamulka Puntland waxaa ka bilaamay budhcad hubaysan oo dhac ugeysanaya xawaaladaha ku yaallaa magaalada Garowe ee caasimadda maamulkaasi.

Maalin ka hor, koox budhcad hubaysan ayaa dhacay xawaaladda Iftin qeybeeda Garowe, iyagoo ka qaatay lacag lagu qiysaay ku dhawaad shan kun oo dollar, sida uu sheegay masuul maamulka katirsan.

Waa markii labaad oo budhcad dhac ugeystaan xawaaladaha ku yaalla Puntland, dhowr billood kahor ayay ahayd markii sidaan oo kale maleyshiyo hubaysan ay dhac ugeysteen shirkadda Somtel qeybteeda Garowe.

Weli maamulka Puntland ma qaadin tallaabo wax lagaga qabanayo budhcadda boobka u geystay shirkaddaha xawaaladaha.

Arrintaan waxay keentay in shirkaddo isgaadhsiineed iyo kuwo xawaaladdeed oo habeenkii shaqayn jiray albaabada loo laabo kadib markii ay soo wasjahday cabsi ku aadan in dhac loo geystay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this