Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa sabab u ah amni darrada ka jirta wadada Balcad iyo Jowhar?

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle, Cali Cabdullahi Cosoble oo u warramay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa ka hadlay amni darrada haatan ka jirta wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Cosoble ayaa sheegay in arrin siyaasadeed ay ka dambeyso amni darrada wadadaasi, islamarkaana la doonayo in lagu xadiido dhaq-dhaqaaqa xildhibaamada dowlad goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in amniga wadadan uu wanaagsanaa, xilligii uu ahaa Madaxweynaha HirShabelle, isaga oo ku faanay in waqtigaas xildhibaanadu ay sidii ay rabaan u isticmaalayeen wadadaasi.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa carabka ku goday in xildhibaanada ay hadda sameeyaan is uruursi, si u kireystaan hal diyaarad marka ay soo aadayaan magaalada Muqdisho.

“Aniga waqtigii aan joogay Xildhibaannada xilligii ay doonaan ayay horay iyo gadaal u socdeen hadii ay doonaan inay Barnaamijyo dhaqaajiyaan Xamar waa ay aadi kareen,laakin hadda waxaa ay noqotay in Xildhibaannada xayirnaadaan ilaa la helo 50 Xildhibana oo diyaarad gaar ah kireystaan ayuu yiri” Coosble.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo inta badan ay weeraro culus Al-Shabaab ka fuliso wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar, waxaana weerarkii ugu dambeeyey lagu dilay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad oo ka tirsanaa baarlamaanka HirShabelle, kadib markii ay gaari uu la socday ay kala dageen dagaalyahano ka tirsan kooxdaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this