Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalxiisayaal U Dhashay Faransiiska Oo Lagu Diley Dalka Niger

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Niger)-Lix qof oo dalxiisayaal ah una dhashay dalka Faransiiska iyo laba qof oo gadh-wadeen u ahaa ayaa lagu diley beer loo dalxiis tago oo ku taalla gobolka Tillaberi ee dalka Niger.

Guddoomiyaha gobolka Tillaberi Tidjani Ibrahim ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in rag hubeysan oo saaran mootooyin ay qafaasheen kooxdan dalxiisayaasha ahaa kadibna toogasho ku diley.

Xafiiska Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xaqiijiyay in dadkan u dhashay dalka Faransiiska lagu diley dalka Niger.

Dowlada Faransiiska ayaa ugu digtey muwaadiniinteeda inay u safraan dalka Niger halkaa oo deegaano badan oo ka mid ah dalkaas ay joogaan ururo daacad u ah ururada Boko Haram iyo IS.

Halka lagu diley dalxiisayaashan u dhashay dalka Faransiiska iyo laba qof oo u dhashay dalka Nigeria ayaa ah meel lagu xanaaneeyo xayawaanka Geriga waxayna u jirtaa magaalada Niamey ee caasimada dalka Niger illaa 65km.

Dalka Niger ayaa waxa uu xad la leeyahay dalal ay ka mid yihiin Libya, Mali, Chad, Algeria iyo Nigeria.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this