Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo Maanta shaacinaysa Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland, ayaa sida qorshaysan Maanta oo Isniin ah shaacinaysa Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland.

Wasaaradda ayaa Bahda Waxbarashada heer Gobol iyo heer Degmo  ku wargelisay, in Maanta oo Isniin ah, Saacaddu markay tahay 11:00AM, ay si rasmiya u shaacin doonto Natiijada Imtixaanka Fasalka 4-aad ee Dugsiyada sare.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa ku boorriyay dhammaan Ardayda in ay si deggan ula socdaan Natiijada Imtixaankooda “Dhammaan waxaa lala socodsiinayaa in ay isdajiyaan ardaydu, oo ay si deggan ula socdaan natiijada imtixaankooda” ayaa lagu yiri Qoraalka.

PUNTLAND POST

The post Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo Maanta shaacinaysa Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this