Sign in to follow this  
Deeq A.

Maalqabeen u dhashay  Hong Kong oo xabsi loo dhigay iskudhac ka dhex qarxay Isaga iyo Quwado ajaaniba

Recommended Posts

Deeq A.   

 Maalqabeen u dhashay  Hong Kong oo xabsi loo dhigay iskudhac dhexmaray isaga iyo Quwado ajaaniba

Jimmy Lai
Jimmy Lai

Waxaa la aaminsan yahay in Mr Lai uu yahay qofka ugu heerka sareeya ee la xiray tan iyo markii Hong Kong lagu soo rogay sharciga cusub ee qaranka ee muranka badan dhaliyay.

Mr Lai ayaa waxa uu taageeray dibadbaxyadii dimuqraadiyad doonka ahaa ee sannadkii hore hareeyay Hong Kong.

Bishii Febraayo, 71 sano jirka mogul ayaa waxaa lagu soo eedeeyay shirar sharci darro ah iyo cabsi gelin inkastoo markii dabe damaanad lagu soo daayay.

“Jimmy Lai ayaa loo xiray isku dhac dhex maray isaga iyo quwado ajaanib ah, sidaasi waxaa sheegay Simon, oo ah maamulaha shirkadda warbaahinta Lai ee Next Digital.

Booliska Hong Kong ayaa sheegay in toddobo qof oo looga shakiyay iney jabiyeen sharciga amniga qaranka xabsiga loo taxaabay balse weli lama xaqiijin in todobadaasi qof uu ka mid yahay Mr Lai.

 

Waa kuma Jimmy Lai?

Jimmy Lai lacagta uu haysta waxaa lagu qiyaasaa ilaa 1 bilyan oo doolar.

Wargeyska uu aasaasay ee Apple Daily, ayaa si joogta ah u dhaliila Hong Kong iyo hogaanka Shiinaha.

30-kii bishii June markii la mel-mariyay sharciga amniga, ninkan ganacsatada ah ayaa waxa uu BBC-da u sheegay in sharciga uu horseedayo geerida Hong Kong.

Waxa uu ka digay in Hong Kong ay noqon doonto goob musuq daashaday sida dhul weynaha Shiinaha, sababto ah waxa uu yiri: “Dadka ganacsatada halkan iyada oo aysan jirin sharci difaaco ma heli doonaan ammaan la isku haleyn karo.”

Wareysi kale oo uu siiyay wakaaladda wararka ee AFP, waxa uu Mr Lai ku yiri:” Waxaan u diyaar garoobay xabsi. Haddii ay taasi dhacdana, waxaan heli doonaa fursad aan ku akhriyo buugaag aanu weligey akhrin.”

Waa sidee xaaladda sharci ee Hong Kong?

Ivan Lam, Joshua Wong iyo Agnes Chow oo u ololeeya arrimaha dimuqraadiyadda oo Isniinti maxkamad ku taallo Hong Kong la soo taagay
Ivan Lam, Joshua Wong iyo Agnes Chow oo u ololeeya arrimaha dimuqraadiyadda oo Isniinti maxkamad ku taallo Hong Kong la soo taagay

Hong Kong waxaa 150 sana gacanta ku haysay dalka Britain, ilaa iyo 1997-kii.

Dowladaha Shiinaha iyo Britain ayaa saxiixay heshiis looga magac daray, heshiiska wada jirka ee Sino-British, iyaga oo ku heshiiyey in Hong Kong ay noqoto mid leh madax bannaani aad u sarreysa marka laga reeba arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga”, muddo 50 sana ah.

Wuxuuna heshiiskaasi dhaqan galkiisu soconayaa ilaa iyo 2047.

Iyada oo heshiiskaasi laga duulayo Hong Kong waxay hanatay nidaam sharci, xuduud iyo xuquuqo ay ka mid yihiin gole madax bannaan iyo xorriyadda hadalka uu yahay mid ilaashan.

Balse xukuumadda Beijing waxay heshiiskaasi siinaysaa awoodda diidmada qayaxan iyo iney wax ka beddesho nidaamka siyaasadeed oo ay ka mid yihiin iney hoggaamiso doorashooyinka Hong Kong ka dhaca.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this