Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo si lama filaan ah u taageeray tallaabo ka dhan ah Maxamed Bin Salman

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa xukuumadda Washington kala kulantay canaan naadir ah, kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ay ammaan u jeedisay madaxii hore ee sirdoonka boqortooyadda Saad al-Jabri oo hardan siyaasadeed kula jira dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan.

Jabari ayaa Maxamed bin Salmaan ka dacweeyay maxkamad ku taalla Maraykanka, isagoo ku eedeeyay in uu qorsheeyay in uu shirqool ku dilo xilli uu joogay Canada. Dacwadda waxaa sidoo kale ku jira xarig loo geystay ilmo uu dhalay Jabari oo lagu kala magacaabo Cumar iyo Sarah – kuwaas oo la sheegay in loo xiray si isaga loogu qasbo in uu wadanka kusoo laabto.

“Saad Al-Jabri waxaa uu ahaa saaxiib u dhow Maraykanka ee dhanka argaggixiso la dirirka,” ayuu afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda u sheegay Middle East Eye.

“Saraakiil badan oo dowladda Maraykanka horay usoo maray iyo kuwo hadda ka shaqeeya ayaa yaaqana, isla markana xushmeeya Saad.” Ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalkaani waxaa uu soo nooleeyay warqad uu kaaliya xoghaya ee Wasaaradda Ryan Kaldahl u diray Senator Patrick Leahy, taasi oo Jabri amaaneysay, isla markaana muujineysay walaac ka dhan ah xad-gudub ay boqortooyadu u geysatay qoyska taliyihii hore ee sirdoonka.

“Dacwad ku oogis walba ee ka dhan ah qoyska Dr. Al-jabri waa mid aan la aqbali karin” ayuu qoray Kaldahl.

“Wasaaraddu waxay Dowladda Sacuudiga ka dalbatay in ay cadeeyso xariga caruurta Jabri, waxayna ku boorin doontaa in deg-deg loo sii daayo” ayuu sidoo kale qoray Kaldahl.

‘Habeenkii waa qoyskeyga’

Jabri waxaa lasoo shaqeeyay dhaxal sugihii hore ee Sacuudiga Maxamed bin Nayef, kaasi oo lagu bedelay Maxamed bin Salmaan sanadkii 2017-kii, waqti yar kadib markii Trump uu booqasho ku tagay bortooyadda.

Madaxii sirdoonka waxaa uu wadanka ka baxsaday inta uusan si buuxda awooda ula wareegin bin Salmaan, cabsi uu qabay in uu ka aarsado darteed.

Dacwadiisa waxaa uu ku sheegay in laba todobaad kadib markii Saraakiil ka tirsan Dowladda Sacuudiga ay dileen Jamal Khashoggi 2018-kii, uu Maxamed bin Salmaan u soo diray koox sirdoonka ka tirsan oo lagu magacaabo “Tiger Squad” si ay u dilaan madaxii hore ee sirdoonka.

“Tiger Squad ayaa la geeyay Canada waxaana ka mid ah shaqaale ku takhasusay baarista aqoonsiga si ay u tir-tiraan goobta dambiga, kuwaas oo watay laba boorso oo qalabta baarista aqoonsiga ah” ayuu dacwadiisa ku sheegay taliyihii hore ee sirdoonka.

“Kooxda dilka waxaa ka hortagay saraakiil ka tirsan ciidanka amniga xududaha dalka Canada, kuwaas oo ka shakiyay sida ay u dhaqmayeen markii joogeen bar koontorool oo garoonka ku taalla.”

Wareysi uu siiyay CNN ayaa wiil uu dhalay Jabri oo lagu magacaabo Khaalid kuna nool Canada waxaa uu ku sheegay in qoysku ay dacwad ka gudbiyeen Dowladda Sacuudiga.

“Sanadihii lasoo dhaafay waxaan ka daalnay waddo walba ee dublamaasiyadeed ee suurtagal ah” ayuu yiri Khaalid Jabri.

“Ugu dambeyntii waxaan geynay maxkamad federaal ah oo Maraykanka ku taalla. Waxaan rajeyneynaa in dacwadaan ay naga caawin doonto silica nahaysta, isla markaana lasoo deyn doono Cumar iyo Sahrah, si ay noogu soo biiraan, aabahayna ay ilaalin doonto, soona gaban-gabeyn doonto qarowga qoyskeyga.” Ayuu hadalkiisa ku daray Khaalid Jabri oo ah wiil uu dhalay madaxii hore ee sirdoonka Sacuudiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this