Sign in to follow this  
Deeq A.

Siciid Deni oo war ka soo saaray dilka TALIYIHII Madaxtooyada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa si adag uga hadlay dilka taliyihii ciidamada ilaalada madaxtooyada maamulkaasi, G/Sare Cismaan Cumar Maxamed oo ku dhintay dagaal saaka ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ugu horreyn Siciid Deni ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray marxuumka iyo saddex Xarigle Axmed Yuusuf Cabdi oo isna lagu dilay dagaalkaasi.

“Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu tiiraanyada geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland Marxuum G. Sare Cismaan Cumar Maxamed iyo Saddex Xarigle Axmed Yuusuf Cabdi la wadaagayaa dhammaan ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland, si gaar ah ciidanka Daraawiishta, gaar ahaan ciidanka Madaxtooyada, eheladii qaraabadii qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodey Marxuumku.” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Deni.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa Alle uga baryey labada maruuxm inuu ka waraabiyo Naxariistii Janno.

Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ayaa sidoo kale tilmaamay Alle ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Sare Cismaan Cumar Maxamed in uu ahaa shakhsi wanaagsan oo shaqo yaqaan ah, islamarkaana ku wanaagsan hogaaminta ciidanka.

Marxuum Cismaan Cumar Maxamed ayaa ku dhintay howl-gal ciidamada Puntland ay ku qaadeen maleeshiyaad ku sugnaa warshadda Kabista ee Gaalkacyo, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad dhex-maray labada dhinac oo geystay khasaare kala duwan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this