Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii ciidanka madaxtooyada Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
cismaanCumar-300x169.jpg

Taliyihii Ciidanka Madaxtoyada Puntland Gaashaanle Sare Cismaan Cumar Maxamed ayaa ku dhintay howlgal Ciidamada Puntland ka sameeyey Warshada Kabista oo maleesho mudo haysatay ay ciidamadu saaka ka qabsadeeen.

Taliyaha ayaa ku geeriyooday iska hor imaad dhexmaray ciiddanka madaxtooyada Puntland iyo koox budhcad ah oo ka ganacsada maandooriyaha, kuwaas oo laamaha amniga gacanta kuusoo dhigeen iyaga qamrigoodii.

Ciiddanka amniga ayaa la wareegay warshadda kabidda oo ah dhul dowladdii hore ee Soomaaliya ka tagtay, balse muddo dheer gacanta ugu jirtay maleyshiyaad hubaysan oo is arursaday, oo aan cidna ka amar qaadan.

Cismaan Cumar Maxamed, ayaa muddo kooban hayay xilka taliyaha ciidanka madaxtooyada Puntland, isagoo lagu bedelay taliyihii ka horeeyay oo xilkaas iska casilay.

HOL

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this