Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo war xasaasi ah ka soo saartay xiriirka kala dhexeeya KENYA

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiriirka maamulkooda kala dhexeeyo dowladda dalka Kenya.

Ugu horreyn wasiirka ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo dood la sheegay inay todobaadkaan golaha wasiirada Kenya ay ka yeelanayaan Aqoonsiga Somaliland.

Wasiir Faratoon ayaa xusay in Kenya ay tahay dal ay daris yihiin, islamarkaana uu kala dhexeeyo xiriir dhinacyo kala duwan leh.

“Kenya waa dal aynu jaar nahay, waa dad aynu xiriir dhinacyo badan leh leenahay, wefdiyo culus ayey marar badan inoo soo direen, inaguna sidaas si la eg wefdiyo ayeynu u dirnay, marka iskaashiga aynu la leenahay weynu sii adkaynaynaa, haddii ay qadiyaddeena iyo aqoonsigeena ka doodayaan waanu soo dhaweynaynaa Kenya.” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay inay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay wadamada caalamka.

Somaliland ayaa waayadii dambe sameyneysay xiriiro caalami ah, waxaana ugu dambeeyey midkii ay dhowan la yeelatay jasiirada caanka ah ee Taiwan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this