Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo xayiraad ku soo rogay hoggaamiyaha Hong Kong Carrie Lam & 10 Xubnood oo kale+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Mareykanka oo xayiraad ku soo rogay hoggaamiyaha Hong Kong Carrie Lam

hongleader.jpg

Dowladda Mareykanka ayaa shalay oo Jimco aheyd xayiyaad kusoo rogtay hoggaamiyaha Hong Kong Carrie Lam iyo taban xubnood oo kale kadib markii ay ku eedeysay in ay awood u adeegsadeen dibedbaxyadii halkaasi ka bilowday sannad ka hor, walina taagan.

Waxaa sidoo kale xayiraaddooda loo cuskaday in ay “laaleen xorriyaddii shacabka Hong Kong, waxna ka badaleen sharciyada ismaamulka Hong Kong, toosna loo hoos geeyay taliska Shiinaha ee Beijing fadhiya”.

Xayiraaddab la saaray masuuliyiintan ayaa la sheegay in uu dalbaday madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaas oo bishii July horraanteeda soo jeediyay in arrinkaasi lagu dhaqaaqo.

Carrie Lam ayaa si gaar ahaa waxaa dusha looga saaray in leedahay masuuliyadda xorriyadda looga qaaday shacanka Hong Kong.

11 xubnood ayaanan la ogeyn sida uu u saameyn doono xayiraadahan oo ka mid ah in aysan u safri karin Mareykanka iyo dhaqaalahooda oo ciriiri la gelinayo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this