Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Cabsi Dhuusamareeb ka taagan iyo ‘KHILAAFKA’ laba ciidan oo halis abuuray

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Cabsi xoog leh ayaa ka taagan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, taas oo ku saabsan in Al-Shabaab ay qorsheynayaan weeraro argagixiso oo ay ka fuliyaan halkaas.

Khilaaf u dhaxeeya ciidamadii degaanka hore ugu sugnaa iyo kuwa gadaal laga geeyay ee dowladda Soomaaliya iyo isku haleen weyn oo taagan ayaa sababay in bulshada magaalada ay muujiyaan walaac amni oo xooggan.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug iyo wasiiro la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in wadada ka baxda Dhuusamareeb ee gasha Ceelbuur laga qaaday ciidankii joogay ee baari jiray gaadiidka, islamarkaana ay toos isugu gudbaan labada magaalo oo markii hore aad loo baari jiray gaadiidka isaga gudba.

Mas;uuliyiintan ayaa sidoo kale sheegay in ciidankii Ahlu-Sunna ee ku biiray dowladda ay isku dayayaan in ay baneeyaan ama hoos u dhigaan feejignaantooda amni, iyagoo doonaya in ay dadweynaha tusiyaan dayaca dhanka dowladda iyo in Al-Shabaab oo hugan magac dowladeed ay soo galeen Galmudug.

“Wasiirada, Xildhibaanada, Saraakiisha iyo shaqaalaha waxaan isugu nimaanaa laba ilaa hal hotel, malahan taxadar badan, marka waxaan is tusnay inaa muujino feejignaan waxaana muuqata dayacaad iyo dagaal siyaasadeed dowladana kuma baraarugsana,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo la hadlay Caasimada Online.

Ciidankii Ahlu-Sunna ee ku biiray dowladda Somalia ayaa la sheegay in ay u shaqeynayaan si gaabis ah halka kuwa dowladda Soomaaliyana aysan u muuqan cabsida iyo walaaca degaanka ka jira. Sidoo kale waxaa halistan sii kordhiyay in furumaha iyo difaacyada hore lagu qoray ciidanka Ahlu-Sunna oo badankooda shaqada daacad ka aheyn halka kuwa dowladana lagu qoray gudaha magaalada taasi oo keentay in dareenka dadka cabsi ku abuurmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this