Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ammaanka oo baaritaano ka wada magaalada Guriceel

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay howl-gallo ka wadaan magaalada Guriceel ee gobolkaasi.

Howl-gallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka wadaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi.

U jeedka howl-galladan ayaa ah sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxo hubeysan oo xalay bam-gacmeed ku weeraray hoy u Guriceel ka dagan yahay sarkaal ka tirsan hay’adda nabad sugida Galmudug, kaas oo lagu magacaabo, G/ Sare Cabdullahi Cabdi Raage.

Guriceel ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka jiray is-qab qabsi la xiriira muran ka dhashay furista masaajidyo ay horey u xirtay Ahlu Sunna Waljamaaca.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this