Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay Inay U Safraan Soomaaliya Iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Dowladda Maraykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan dalka Kenya, iyadoo sheegtay inay kordheen dambiyada abaabulan ee argagixisannimada, arrimaha caafimaadka, iyo afduubka.

Dowladda Maraykanka waxay tilmaamtay in Xarumaha Caafimaadka Ka Hortagga Cudurrada (CDC) ay ka deyriyeen xaaladda caafimaadka oo ay sabab u tahay markii Kenya qaaday xayiraadii lagu xakameynayay faafitaanka Covid19.

Muwaadiniinteeda Maraykanka waxaa si gaar ah looga digay inay u safraan Xadka Kenya iyo Soomaaliya iyo meelaha xeebaha cabsida la xidhiidha argagixisada awgeed.

“Sababo la xidhiidha argagixisannimada awgeed, shaqaalaha dowladda Mareykanka ayaa laga mamnuucay inay u safraan gobollada xudduudda Kenya iyo Soomaaliya iyo meelaha xeebaha qaarkood” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Kenya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this