Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid is-miidaamin ah, islamarkaana loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa lagu  soo warramayaa in lagu weeraray xero ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 12-ka April ay ku leeyihiin dhabarka dambe ee garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxaasi, balse ma cadda inta uu la’egyahay.

Xaaladda ayaa hadda aad u kacsan, waxaana goobta isku geedaamay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this